Dhageyso: Barnaamij Gaar ah Oo Looga Hadlaayo Cudurka Coronavirus

260

 

Barnaamijka todobaadkan waxaa looga hadlayay Saameynta Uu Cudurka Safmarka Ah Ee Coronavirus Uu Ku Yeeshay Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo Isu socodka Bulshada.

Barnaamijkan oo uu marti ku ahaa Maxamed Muxumed Xasan Xiireey oo Madax Ka Ah waaxda fayadhowrka iyo kahortagga cudurrada faafa ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha ay bulshada kala kulantay cudurkan ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo isu socodka bulshada.

“Dhaqaalaha waa dhoofin iyo soo dejin, wixii dibadda laga keenayay way yaraadeen, dhaqaalihii halkaa aad buu u yaraaday, haddii shaqadii socotay la waayo oo dadkii la kala xirxiro waxba socon maayaan, cirkaa wax lagu keenaa, dhulkaa lagu keenaa, badahaa lagu keenaa intiiba way yaraadeen,” ayuu yiri Maxamed Xiireey.

Dhanka waxbarashada waxa uu sheegay in saameyn ba’an uu ku yeeshay oo ay kamid tahay in gabi ahaanba la xiray iskuulaadkii, oo muddo dhan ay istaagtay waxbarashadii, haddana weli ay taagantahay cabasida oo si taxadar leh loo aado iskuulaadka, taasoo uu sheegay in ay tahay caqabad soo wajahday hannaankii waxbarasho ee adduunka, gaar ahaan Soomaaliya.

Weeydiimaha qaar kamid ah dhageystayaasha barnaamijka;

Xasan Afrika oo kamid ah dhageystayaasha ayaa soo weeydiiyay Dr. xiireey su’aalahan?

Cudurkan daawadiisa mala heli karaa? Cudurkan iyo hargab oo ay aad isugu dhawyihiin side lagu kala garan karaa, sax miyaa in lagu daweyn karo sanjawiisha, filfisha iyo liin dhanaanta, sidee dadkeenna soomaaliyeed isaga ilaalin karaan cudurka?

Waxaa Barnaamijka Tabinaya Wariye Kamaal Maxamed Axmed Keeynaan

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran