
Wasaaradda cafimaadka Jubbaland ayaa bilowday mashruuc ay ka faa’iidaysanayaan dadka uu ka maqan yahay araga,waxaana Mashruucaan ka faa’iidaysanayaa dad gaadhaya ilaa 1274 qof oo u badan dad awoodi waaayey in ay iska bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya qalida Indhaha.
Abdiqani Maxamed waxaa uu ka mid yahay dadka ka faa’iidaystay barnaamijka indho fiiqista waxaana loo fiiqay mid ka mida indhahiisa oo uusan waxba ka arkaynin mudo sadex sanno ah.
Abdiqani oo ka mid ahaa boqolkii qof ee ugu horeeyey ee qaliin loo sameeyo ayaa ka hadlaya isbadalka dhinaca araga ee uu manta hellay iyo sidii indho fiiqista loo sameeyey waxa ay ka badashay nolashiisa.
“Maanta waan ku farahsnahay in aan hellay aragaygii caadiga,waxaa la iifiiqay hal il waxbadan ayaa iska badalay nolashayada,Tu’saale ahaan habeenkii waxaa igu adkayd in aan socdo balse manta waxaa aragaygu ku soo laabtay sidii hore”sida waxaa radio Kismaayo u sheegay Abdiqani Maxamed
Dr Cabdiqaadir Yuusuf Cabdillaahi Madaxda howlwadeenada howsha indha fiiqida ee barnaamijkaan gacanta ku haaya kana mid ah masuuliyiinta hay’ada save the vision ayaa sheegay in mashruucaan uu muhiim u yahay dadka tamarta yar.