
Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo manta xadhiga ka jaray Maxkamad u gaar ah dacwadaha dhulka.
Munaasabad manta lagu dhaarinaayey sadex garsoore oo ka mid noqonaya garsoorayaasha Maxkamada darada 1-aad ee demada Kismaayo ayaa lagu qabtay xarunta Maxkamada.
Munaasabada dhaarinta uu ka qayb galay Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadan ayuu madaxwayne kuxigeenka waxaa uu xusay in garsoorayaasha lagu kordhiyey Maxkamada darajada 1-aad ay ka shaqayn doonaan qayb cusub oo maxkamada yeelan doonto oo qaabilsan arimaha dhulalka,si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha muranka dhinaca dhulka.
Gudoomiyaha maxkamada Sarre ee Jubbaland C/shakuur Sheikh Maxamed Rashiid ayaa madaxweynaha ku hor dhaariyey 3da garsoore maxkamada darajada 1aad ee qeybta dhulalka.
Dhaarinta ka dib, ayaa madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan kula dar-daarmay in garsoorayaashu shaqadoodu u gutaan si cadaalad ah isagoona xariga uga jaray qeybta cusub ee u xilsaarnaan doonta arimaha dhulalka.