Maxkamadda Puntland Oo Go’aan Ka Gaareysa Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday

980

Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sharci ka dhigtay Go’aankii dhawaan Baarlamaanka Puntland ee xasaanada uga qaadeen 8 Xildhibaan oo  ka tirsanaa Maamulkaas.

5 Garsoore oo dacwaddan go’aaminteeda lahaa ayaa 4 kamid ah ay isku raacday in Go’aankii xasaanada looga qaaday Xildhibaabada Puntland uu ahaa mid sharci ah, isla markaana waxaa diiday oo kaliya tallaabadaas hal Garsoore.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa Maanta oo Axad la filayaa inay shaaciso Go’aankeeda ku aadan xilka qaadistii lagu sameeyay 8-dii Xildhibaan ee ka tirsnaa Baarlamaanka Maamulkaas

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa maanta oo axad ah la filayaa inay shaaciso Go’aan ka gaarista kiiska xasaanada looga qaaday Xildhibaannada Puntland.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa waxaa ay kala yihiin Magacyadooda

1: Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2 .Xildhibaan Cabdiqani Surato

Xildhibaan Muuse Jajabsay

Xildhibaan Baduugaaye

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

Xildhibaan Saleeban Faarax.

Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.