Madaxweyne Deni Oo Shuruud Adeg Ku Xiray Magacaabista Guddiga Doorashada

938

Waxaa weli kulamo la isku mari la’yahay Magaalada Garoowe uga socdaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweyne Saciid Deni ka dalbaday inuu soo magacaabo xubnaha Puntland ku metelaya Guddiyada doorashooyinka heer maamul Goboleed ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadibna la saxo wixii qaldan.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanaya in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gobolka Gedo shir gaar ah looga hadlo, dhowaan shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la qaban doono