
Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa Goordhow waxaa kulan uga furmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaaaadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka 2020/21 iyo Guddiyada lagu muaran yahay.
Waxaa kaloo Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii loo xalin ahaa tabashooyinka ka jira Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay iyo sidii Puntland us oo gudbin laheyd Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashadooyinka.
Ra,iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu kulan la yeesho Ururada bulshada rayidka ah.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay gaaray Garowe ayaa ku sugnaan doona labada maalmood ee socota.