
Maanta oo sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigeedu sii dhammaanayo ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanadaayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka iyo Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.
Golaha Shacabka ayaa muddo xileedkiiso ku eg yahay 27-da bishaan, waxaana ka hartay kaliyah 15 Maalmood.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u diiday in muddo xileedkeedu uu dhamanaayo ilaa laga helo baarlamaankii badali lahaa.