Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Gaaray Magaalada Garoowe

746

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka oo diiradda lagu saarayo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.
Waxaa lagu waddaa in uu maamulka Puntland kala hadlo khilaafyada ka taagan arimaha doorashooyinka.