Gaadiid Ciidan oo lasoo gaarsiiyay Booliska Jubbaland

906

Wasaaradda amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay kala wareegtay gaadiid loogu tala galay Hormarinta Booliska.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Nuur Shaafi Maxamed ayaa gaadiidka kala wareegay  Wakiillo ka socday Hay’adda.

Waxaa uu sheegay in gaadiidkaan ay kusoo beegmay xilli ay jireen dhibaatooyin kala duwan oo dhanka gaadiidka oo heystay Ciidanka booliska Jubbaland

 

Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay ayuu u mahadceliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Jubbaland, isagoo sheegay in gaadiidkaas lagu qaban doono shaqadii loogu tala-galay.

Gaadiidkaan waxaa loogu tala galay in ay ku hawlgalaan ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Jubbaland, iyagoo adeegsan doona xiliyada ay fuliyaan howlgalada lagu xaqiijiyo amniga deegaanada maamulkaas.