
Waxaa weli xiran Suuqyada weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, sababo la xiriira Sicir barar xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ka jiray deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland.
Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa soo saaray amar Culus oo ka dhan ah Ganacsatada Boosaaso, xili weli ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga, waxaana fulinta amarkaas la siiyay laamaha amniga Magaaladaas.
Saraakiisha amniga Boosaaso ayaa waxaa lagu amray inay xiraan Ganacsatada diidan in la furo goobaga Ganacsiga Magaalada, si dadka halkaas ku dhaqa ay wax u iibsadan, maadaama maalmo goobaha qaarkood ay xiran yihiin.
Saraakiisha Ciidamada ayaa Ganacsatada iyo dadka kaleba ku amraya inay qaataan lacagta Shillinka Soomaaliga ah, isla markaana qofkii diida ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Dhawaan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo degaannada kale ee Maamulkaas waxaa ka dhacayay bannaan-baxyo looga cabanayo sicir-bararka, islamarkaana looga soo horjeedo go’aankii madaxweyne Deni ku amray in kastamka iyo dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Shiling Soomaali.