
Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta shir xasaasi ah ku yeelan doona Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, xili maalmihii lasoo dhaafay ay yeelanayeen shirar kala duwan.
Shirkaan ayaa intii uu socdo waxaa ay Musharaxiinta uga hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka iyo Arrimo kale oo qorsheysan, waxaana Musharaxiinta ay iska dhageysan doonaan warbixino kala duwan.
Warar lagu kalsoonaan karo oo helnay ayaa sheegaya in suura-gal ay tahay in shirka Maanta ee Musharaxiinta Madaxweynaha laga soo saaro Go’aano Cusub oo ku aadan xaaladda dalka iyo Doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021.
Kulanka ay Maanta ku yeelanayaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili shalay madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee ka qeyb gashay shirkii muqdisho ka dhacay dhamaantood ay isku raaceen in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo wada ogol ah, taasoo ah talo soo jeedintii Midowga musharixiinta.