Madaxweynaha Puntland Oo DFS Ugu Baaqay In Ciidankeeda Kala Baxdo Gedo

813

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aalada fogaan araga ah ee loo yaqaano ZOOM-ka uga qeyb galay Shirka dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka uga socda Hoolka weyn Afisyooni ee Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay Shirka Somalia Partnership Forum ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka Cusub ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Gobolka Gedo uu ka tirsan yahay Maamulka Jubbaland, ayna muhiim tahay inay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, taasina ay ku imaan karto oo kaliya hal arrin oo ay saameyso Dowladda.