Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay xaalada gobolka Tigray

183

Dagaalka ka soconaya qeyba badan oo ka mid ah gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ayaa waxaa uu carqaladaynayaa dadaallada gargaarka halkaas lagu gaarsiinayo, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Malaayiin qof ayaa la sheegay inay haysato gabaabsi dhinaca cunnada ah iyo dawooyinka.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa AFP u sheegay in illaa maalintii Jimcaha aanay helin meel ay maraan, wallow la gaaray heshiis ogolaanaya “inaan la hor istaagin” gargaarka bini’aadamnimo ee la gaynayo deegaannada ay dowladdu maamusho.

Dadka ku nool caasimadda Mekelle ayaa  sheegtay in dagaallada ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda inkasta oo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda.

Waxay sheegeen in magaalada ay koronto la’aan tahay oo aysan heysan biyo.

Waxay sidoo kale sheegayaan in falalka dhaca ah ay kusoo badanayaan magaalada.