Safiirka Ingiriiska Oo Kulamo Siyaasadeed Ka Wada Muqdisho

800

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa Magaalada muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo xasaasi ah oo uu la leeyahay Siyaasiyiinta kala duwan ee Soomaliyeed, waxaana kualmadiisa ugu badan uu ku bixiyay Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in dhawaanahaan uu ku howlanaa Ben Feder sidii uu kulamo joogta ah ula qaadan lahaa Musharixiinta Mucaaradka ah ee Muqdiosho ku shirsan,

Waxyaabaha uu kala hadlay siyaasiyiinta oo aan Warbaahinta loosoo bandhigin ayaa waxaa la sheegaya in inta badan kulamada lagu lafa guray arrimo la xariira doorashada dalka ka dhici doonta, waxaana wararku intaas ku darayaan in Safiirku uu Musharxiinta weydiiyay aragtiyadooada ku aaddan Siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashada

 

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la sheegay in uu dhex-dhexaadin ka dhex-wado Madaxweyne Farmaajo & musharixiinta iyo sidoo kale Musharax Madaxweyne Danjire Daahir Maxamuud Geel