Ciidamo gaar ah oo lagu wareejiyey xarunta baarlamaanka Puntland

870

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan booliska Puntland ayaa xalay lagu wareejiyey xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe, xilli maalmihii ugu dambeeyey muran xoogan uu ka taagnaa.

Arrintaan ayaa timid kadib markii xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland ay Madaxweyne Deni ugu baaqeen inuu wax ka qabto amniga xarunta baarlamaanka, iyagoo guddoomiyaha baarlamaanka ku eedeyey inuu ciidamo u gaar ah ku afduubtay amniga xarunta.

Sidoo kale Xildhibannada ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland in Ciidamada horay u jeeogay xarunta ay ahaayeen kuwo uu ku caburinayay xildhibaannada ka aragtida duwan, isla markaana u adeegaya guddoomiyaha.

Ciidamada Booliska ah ayaa waxaa ay dhamaan la wareegeen Goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada laaga wareejiyay, waxaana loogu talo galay inay sugaan Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay bilaawdaan wada-hadallo lagu xalinaayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaannada & Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.