Nin Miino Ku Aasayay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho Oo La Toogtay

889

Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa xalay degmada wardhiigley ee magaalada Muqdisho ku toogtay nin doonayay in uu qarax miino ku aaso xaafad ka tirsan degmadaas.

Ciidamada Amnigu waxay degmada Wardhiigley, gaar ahaanna xaafadda Horseed ku toogteen nin ka tirsanaa Al-shabaab, kaas oo doonayay in uu qarax miino ku aaso xaafadda, sida laga soo xigtay Booliiska.

Guddoomiyaha Warta-nabadda Seynab Xaabsey oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka amniga degmada ay ka hortegeen Ninaas doonayay inuu miino ku waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Laamaha amniga ee guuleystay ka hortega falkaas ayey Guddoomiye Seynab Xaabsey u mahadcelisay, waxaana shacabka degmada Warta-nabadda ugu baaqday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Habeeno kahor ayay aheyd markii degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir lagu qabtay Nin weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku weeraray saldhig degmadaas, isagoo isku dayay inuu baxsado, hayeeshee gacanta lagu dhiga