Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Macalin Ilkacase

189

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsan dagaalamayaasah Al-shabaab oo horey Maxkamadda xukun dil ugu riday.

Saddex ruux oo uu ku jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa Caan ku ahaa dilal ka dhacay Muqdisho ayaa saakay Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ku fulisay, kaasi oo ka dhacay fagaaraha dugsiga Booliska ee Generaal Kaahiye.

Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase, Saalim Saciid Maxamed oo loo yaqaanay Salmaan iyo Axmed Maxamed Haashim oo loo yaqaanay Carab, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukun ugu riday.

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale,kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dl ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey ayaa Warbaahinta u Akhriyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Maxamed Xaaji Axmed oo Caan ku ahaa (Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood ee kale.