
Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay lagula eegtay qeyb kamid ah degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa la maqlay.
Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa gaariga uu saarnaa Maareeye Axmed Waashitoon lagula eegtay, xili uu marayay Isbitaalka Laansaleyti ee Isgoyska Miranaayo ee Cabdicaiis, isagoona ka badbaaday qaraxaas.
Axmed Waashitoo oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sugan halkaas.
Maareeyaha ayaa bad-qaba oo ma jirto waxyeello kasoo gaartay qaraxan, balse waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalineysay.
Ciidamo dheeraad ah oo tagay halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo, waxaana la xiray wadada. Sidoo kale, gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta ka qaaday dadka waxyeellada dhaawaca ah soo gaartay.