
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Magaalada Boosaaso.
Waxaa sidoo kale codsiga la socotay in loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.
Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada maamulka Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.