Raysul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ciidamadiisa uu ku amray in ay gudaha u galaan Caasimadda Tigray

809

Raysul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay maanta oo khamiis ah in ciidamadiisa uu ku amray in ay weeraraan magaalada caasimadda u ah Tigrayga ee Mekelle kadib 72-saacadood oo uu qabtay hogaamiyeyaasha Tigrayga in ay isu soo dhiibaan oo dhamaatay. Isagoo uga digay Nus milyanka ku nool magaaladaasi in ay guryahooda ku sugnaadaan kana fogaadaan xarumaha ciidamada.

 

“Weerarka Militarigu waxa uu marayaa marxaladdii ugu danbeeysay, kadib sedex isbuuc oo dagaal ah, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Raysul wasaare Abiye. Arrintan ayuu macnaheedu yahay in taangiyada dagaalka iyo hub culus loo adeegsan doono magaalada Mekelle, taasoo dadka ku nool hore loogu sheegay in aysan jiri doonin wax naxariis ah haddii ay isa soo dhiibi waayaan hogaamiyayaasha Tigrayga.

 

 
Arrintan ayaa dhallisay walaac caalami ah ayadoo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ay sheegeen in arrintan ay xad gudub ku tahay shuruucda caalamiga ah oo ay Qatar gelineeyso shacabka.
Hadalka Abiy ayaa lagu sheegay in kumannaan maleeyshiyaad Tigray ah ay isu soo dhiibeen ciidamada dowladda intii lagu jiray 72-dii saacadood ee uu u qabtay.
“Waxaynu si aad ah uga taxadari doonnaa sidii loo ilalain lahaa shacabka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska raysul wasaaraha Itoobiya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shacabku ay ka qaxayaan magaalada, balse waxaa maqan isgaarsiintii iyo weliba dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka ee meelaha y ku suganyihiin Tigrayga. Mana cadda sida dadka ku nool caasimadda Tigrayga ee Mekele ay ku gaari karto digniinta dowladda.

Beesha caalamka ayaa ku baaqeeysa wadaxaajoodyo iyo in kaalmo bini’aadanimo la gaarsiiyo dadka shacabka ah, xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay sii wataan howlgalladooda ay ku beegsanayaan xoogagga TPLF, balse Raysul wasaare Abiy oo sanadkii hore ku guuleystay billaha nabadda adduunka ayaa diiday wax faragelin shisheeye ah , ayadoo dowladdiisu sheegtay in sedex sarkaal oo sare oo ka socday midowga Afrika ay la kulmi karaan raysul wasaarah balse aysan la kulmi doonin hogaamiyeyaasha Tigrayga.

 

Weli way adagtahay in la xaqiijiyo sheegashooyinka dhinacyada ee dagaalka bilowday Bishii Nov, ee u dhexeeya ciidaamada Itoobiya iyo xoogagga hubeeysan ee TPLF, kuwaasoo kamid ahaa dowladda balse ka go’ay markii uu xukunka la wareegay Abiy Axmed, ayadoo labada dowladooda tan iyo federaalka iyo TPLF uu midba kan kale ku eedeeynayo in ay ku dhisantahay sharci darro.

 
Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xaalado adag oo dhanka bini’aadanimada ay ka jiraan gobollada Tigreega oo bulshadooda lagu qiyaaso 6 Million.

Shidaalka iyo lacagaha Cadaanka ah ayaa sii yaraanaya, in ka badan 1 Million oo qof dad lagu qiyaasay ayaa qaxay, cunnada ku dahwaad 100,000 oo qaxooti ah oo ka yimid Ereteria ayaa ku dhamaan doona muddo isbuuc gudihiisa ah, sida ay warbixinnadu intaa ku darayaa in ka badan 600,000 oo qof oo ku tiirsanaa raashiin bille ah oo la siin jiray ayaan bishan wax cunno ah helin.
Xanibaadda dhanka safarrada ayaa ka jirta deegaannada Tigrayga, ayadoo xitaa magaalada Mekelle ay hay’adaha samafalka ku adkaatay in ay adeegyada ay bixiyaan gaarsiiyaan shacabka.