Kulanka wadatashiga ganacsiga Jubbaland oo Kismaayo lagu qabtay

385

Shirka wadatashiga billaha ee wasaaarada ganacsiga iyo ganacsatada dowlad gobaleedka jubbaland waxaa maanta ka qayb galay wasiirka wasaarada ganacsiga warsahadaha jubbaland agaasimaha guud ee wasaaarada ganacsiga iyo agaasime waaxeedyada w.ganacsiga gudiga fulinta ee rugta ganacsiga madaxa kastamka dakada kismaayo iyo ganacsatada

Shirkan billaha ah ayaa looga arrin sadaa culaysyada ganacsiga ka jira iyo sidii ay wada shaqayn wanaagsan udhex mari lahayd wasaaradda iyo ganacsatada
Wasiirka wasaaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowlad gobaleedka jubbaland oo shirka daah furey ayaa ka hadlay ujeedka shirkan billaha ah ay wasaaradu uqabato iyo sidookale culays yada haysta ganacsatada qaasatan waxaa uu bidhaamiyay culayska ganacsatada ka haysta argagixisada alshabaab

Shirka wadatashiga kadib ayay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha jubbaland qaar kamida ganacsatada magaalada kismaayo u furtay tababar socon doona muddo afar maalmood ah kaa oo kusaabsan horumarinta ganacsiyada yar yar.