Wasiir Hore Ka Tirsanaa Puntland Oo Goordhow Geeriyooday

243

Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Tukiga ku geeriyooday Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Maamulka Puntland Gen. Khaliif Ciise Muddan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee amniga Puntland uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanyay isbitaal ku yaalla Turkiga, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu u geeriyooday, sida aan wararka ku helnay

 

Geerida Marxuum Jeneral Khaliif Ciise Muddan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelladiisa.

Waxaa soo noqday Musharax xilka Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana Alle ha u naxariisto Jeneraalku wuxuu hadda ahaa La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Deni