Shirka Musharaxiinta oo Maalintii Labaad Galay, Kulankii Koowaad Maxaa Looga Hadlay?

599

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo ay leeyihiin xubnaha mucaaradka ee Musharixiinta Madaxweynaha, kulamadaas oo ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka & Gudiyada dorashooyinka Soomaaliya.

Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intiisa badan ay musharixiinta uga doodeen Gudiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Hay’adda Nabadusgida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kale musharixiinta kasoo jeeda Hir-Shabeelle ee  kala ah, Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin ayaa  waxaa la filayaa inay xiriir la sameeyaan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe, iyaga oo u gudbin doona cabashadooda xubnaha Guddiga doorashada uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare, Guddigaas oo la sheegay inay ku jiran Shaqaalo ka tirsan Dowladda & Xubno kamid ah NISA.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee gaaraya 12 Xubnood oo Maanta Maalintii labaad Guda galaya Shirka u dhaxeeya ayaa waxaa ay xooga saari doonaan sidii isbedel loogu sameyn lahaa Guddiyada doorashooyinka Maamulaya oo ay Magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed..