
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo saacadaha soo socda tegi doona halkaas.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo markii ugu horeysay tagaya Baydhabo, tan iyo markii la Magacaabay.