Khasaare nafeed oo ka dhashay shil gaadiid oo ka dhacay duleedka Garowe

721

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaadiid oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Shire Dhogor-libaax oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ee Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay gaadiid xamuul ah oo isku dhacay, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay laba qof, sidoo kale dhaawacyo ayaa la sheegay inay jiraan.

Laba ruux oo kaliya ayaa ku geeriyooday shilkaas, mana jirin khasaaro kale oo lasoo weriyay, waxaana goobta ku baaba’ay hanti farabadan oo gaadiidkii isku dhacay ay wadeen, iyadoo mid kamid ah gaadiidka uu siday kalluun badan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli mid kamid ah dadkii dhintay uu Meydkiisa ku hoos jiro gaari, isla markaana aan laga soo bixin, balse  waxaa Garoowe ka tegay  qaar kamid ah dadka deegaanka, si ay u soo qaadan Meydka in muddo ah yaalla halkaas.

Todobaadkii lasoo dhaafayay ayay aheyd markii habeeno isku xig-xigau uu shil khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal una dhow Caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe.