
Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhameystiray maanta magacaabay 8-dii Xubnood ee Gudiga Degaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland), isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.
Gudoomiyaha ayaa ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in xubnahaan lagu daro guddiga doorashooyinka Qaranka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu ku dhameystiray Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland oo ka kooban 8-xubnood, isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.
Sidoo kale Wareegtada Cabdi Xaashi ayaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble lagu faray in xubnaha Maanta la magacaabay iyo afartii horeyba lagu daro Guddiyada Doorashooyinka 2020/2021 ay dowladda Federaalka magacaawday.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.