Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Maanta la Aasayo

683

Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah lagu Aaso Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib, kaas oo shalay ku geeriyooday halkaas.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guddi u saartay Aaska meydka Marxuum Cumar Carte oo bilihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Hargeysa, balse ugu dambeyn geeriyooday.

 

Meydka Marxuum Cumar carte ayaa waxaa lagu wadaa in lagu Aaso Qabuuraha Baqiic ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulkaas.

 

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Suleymaan Yuusuf Koore ayaa sheegay in aaska Marxuumka ay kasoo qayb gali doonaan mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Muuse Biixi cabdi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa warqad uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Guddi ka shaqayn doona sidii aas loogu sameyn lahaa marxuum Cumar Carta Qaalib oo Magaalada Hargeysa ku geeriyooday, waxaana madaxweynuhu faray guddiga xil dheeraad ah iska saaraan aaska Marxuumka.