
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa Qoraal rasmiga ah oo kasoo baxay waxaa taageero ay ugu muujisay dowladda federaalka Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigrayga.
Dagaalka gobolka Tigrayga ayaa billowday 4-tii November markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku eedeeyey TPLF inay weerareen saldhig ciidamada federaalka ay ku leeyihiin gobolka, eedeyntaas oo TPLF ay beeniyeen.
Qoraalka hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.”
Wasiir Cawad ayaa sheegay in uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana war saxaafadeedka aanu aheyn mid matalaya aragtida dowladda Federaalka.
Lama oga waxyaabaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku qasbay inay ka laabato War-Saxaafadeedkii kasoo baxay oo ay ku taageertay dowladda Itoobiya oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigrayga.