
Shil gaari ayaa goordhaweyd ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galagduud, kaasi oo ka yimid, kadib markii uu is kedis ah u rogmaday gaarigaas oo ahaa nooca xamuulka qaada ee Soomaalida u taqaano BG-ga.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in shilkaas uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa Deegaanada ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Galgaduud, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro.
Inta la xaqiijiyay Shilka gaari ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Ruux oo gaariga Biijiga ah saarnaa, waxaa sidoo kale ku burburay gaariga iyo Agab kala duwan oo saarnaa.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in labada qof ee Shilka ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug si halkaasi loogu daaweeyo, waxaana dadka gurmad u sameeyay dadka degaanka uu Shilka ka dhacay.
Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay Shilalka Gaari, iyada oo inta badan ay ugu wacan tahay wadooyinka oo burbursan.