
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Ganacsatada ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa uu uga digay inay ka qeyb qaataan nafaad darrada ka jirta Magaalada, xilli maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in uu wado qorsho dib loogu soo celinayo bilicda Caasimadda.
Agaasimaha Nadaafadda gobolka Banaadir Sharmaake Cadow ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay wadaaan sidii loogu guuleysan lahaa in Magaalada Muqdisho ay noqoto mid nadaafadeeda ay hagaagsan tahay,balse ay jiraan dad caqabad ku ah Shaqadooda.
Sidoo kale Agaasime Sharmaake Caddow ayaa shacabka Gobolka kunool ka Codsaday in Maamulka ay kala shaqeeyaan sidii loo celin lahaa Bilic Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dadka qaarkood ay yihiin kuwa aan xil iska saarin Bilicda.
Isaga oo sii hadlaayay Agaasime Tuuryare ayuu tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu tallaabo sharci ah ka qaadi doono dadka mar kasta waddooyinka ku shuba qashinka, isagoo xusay in dadkaas ay la kulmi doonaan ciqaab isugu jirta Ganaax iyo xarig.
Ugu dambeyn Sharmaake Caddow Tuuryare ayaa xusay in dadka ku Ganacsada hareeraha Laamiyada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan bilicda, isla markaana cidii fulin weyda amarkaas Maamulka uu ruqsada Ganacsi uu kala noqo doono.