
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mashruuc uu ku baxaayo dhaqaalle badan la saxiixday Midowga Yurub, kaasoo loogu tala galay horumarinta kaabayaasha dhaqaallaha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Mashruucaan uu yahay mid muhiim ah oo lagu horumarinaayo dalka, islamarkaana sanadkaan ay si gaar ah diirada u saari doonaan horumarinta.
“Waxaan maanta goobjoog u noqday saxiixa iyo bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro. Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga. Waxaan rajeynayaa in barnaamijkani wax badan ka taro koboca dhaqaalaha dalka”. ayuu yiri Mudane Rooble.