
Qaar ka mida kaluumaysatada Kismaayo agab kaluumaysi oo la siiyey uu kor u qaaday ganacsigooda.
Ilaa 18 qof oo ka mida kaluumaystada suuqa kaluunka ee magaalada kismaayo ayaa laba bil ka hor waxaa lagu wareejiyey qalab isugu jira talaagado lagu kaydiyo kaluunka,miisaan ay ku shaqaystaan iyo qalab kale oo muhiim u ah kor u qaadida ganacsiga kaluumaysiga.
Faadumo Maganow oo ka mida dadka ganacsada kaluunka ee la siiyey qalabka ayaa Radio Kismaayo u sheegtay in ganacsigeeda uu kor u kacay ooh adda dhaqaale ka soo kaluunka uu sidii hore ka fiican yahay,nolasheeda iyo mida qoyskeedana uu wax-badan iska badalay.
Faadumo iyo sideed iyo tobanka qof ee kale ee lagu taageeray agabka kaluumaysiga ayaa sidoo kale waxaa la siiyey tababar la xidhiidha dhinaca ganacsiga iyo sidii ay u kordhin lahaayeen dakhligooda maalin-laha ee soo gala taas oo manta ka muuqata ganacsiga kaluumaysiga ee ay wadaan.
Nuurta Cabdullaahi Cali oo Iyana ka mida kaluumaystada ka ganacsada kaluunka ayaa sheegtay markii aysan haysanin qalabka lagu kaydiyo kaluunka in ay la kulmi jireen caqabado dhowr ah sida in uu ka xumaan jireen kaluunka u soo hadha halkaasna uu ay kala kulmi jireen khasaare balse hadda ay caqabadaas Meesha ka baxday.
Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga Jubbaland Maxamed Khaliif Cali ayaa sheegay in qalabkaan la siiyey kaluumaystada ay ka taageertay hay’adda GIZ si loo kordhiyo wax soo saarkooda ganacsiga
By Maxamuud Saciid Axmed Fowzi