Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

589

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Sida uu qorshahu yahay ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Warbixin ku saabsan saameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada dalka iyo Warbixin ku aadan saameynta COVID-19 ee Ganacsiga.

 

Ajendaha kulanka ayaa ah:

-Warbixin ku Saabsan Saameynta Covid 19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada

-Warbixin ku Saaabsan Saameynta Covid 19 ee Ganacsiga

-Akhrinta 2aad ee H/Sh Socdaalka Somalia

Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulankoodi caadiga ahaa ayna soo xaadiraan.