DF oo war ka soo saartay sarkaal sare oo Al-Shabaab looga dilay J/Dhexe

682

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgal la sheegay inay siwadajir ah u fuliyeen ururka 4aad ee guutada 16 aad ee kumandooska danab iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Leego oo Qiyaastii 44 km dhanka woqooyi kaga beegan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha holwgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku burburyeen Xarumo ay lacago ku qaadi jireen Al—Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Mootooyin ay Al-Shabaab u isticmaali jireen Miinooyinka

U jeedka howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa dilka sarkaalkaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa maktabka warbaahinta, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cusmaan Dhegacade.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay ku guuleeysteen u jeedkii laga lahaa howlgalkaas ay ku dileen sarkaalkaas oo ay sheegeen inuu muhiim u ahaa kooxda.