Shir looga hadlaayey arimaha ganacsiga ee degmada Kismaayo oo maanta Kismaayo lagu qabtay.

958

Kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland oo laga hadlaayey sidii ay u wadda shaqayn lahaayeen ganacsatada magaalada Kismaayo iyo dowladda hoose ee Degmada Kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay ganacsatada,Maamulka degmada Kismayo iyo Madax ka socotay wasaaradda Arimaha gudaha ,iyadoo Ganacsatada loogu baaqay in ay qaatan shatiga ganacsiga dowladda hoose.
Wakiilka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Carab Axmed Shaqlane ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadda shaqayn ay la yeeshaan degmada Kismaayo.

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in dowlada hoose iyo ganacsatada isu madax banaan yihiin si hufanna ay uwada shaqeeyaan
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Aadan faarah Garane oo ugu danbayn soo gaba gabeeyay hadalka ayaa faah faahin ka bixyay wadda shaqaynta looga bahan yahay ganacsatada iyo dowladaha hoose.