Guddoomiyaha KMG-ka ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo la doortay

692

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo idmaday, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka

 

Xildhibaannada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha KMG ah ee shir guddoomin doona inta laga soo dooranayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ku doortay Maxamuud Siyaad Barqadle si hore loogu sii doorashada madaxda Hirshabeelle oo muddo xiloodkoodi uu dhamaaday.