Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland oo degmada Kismaayo ku wareejisay Agab-ka looga hortago Caabuqa Corona-virius.

605

Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland ayaa qalab loogu talagay ka hortaga Corona-virus ku wareejisay Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf {Timajilic}.
Goobta lagu wareejinayey qalabka ayaa waxaa ku sugnaa wasiir ku-Xigeenka wasaarada Caafimaadka Jubbaland Dr Cali Nuur Axmed, gudoomiye ku xigeenka degmada ahna xoghayaha degmada kismaayo Rashiid Maduuloow, gudoomiyayaasha xaafadaha magaalada kismaayo iyo Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka.

 
Agabka lagu wareejiyey gudoomiyaha ayaa waxay isugu jireen saabuuno, qalabka Afka lagu xirto, goloofiska gacmaha iyo haamaha biyaha si ay u gaarsiiyeen goobaha loogu talagalay.

Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Aadan faarax Gaarane ayaa goobta ka hadlay wuxuuna sharaxaad ka bixiyey inta ay ka kooban yihiin qalabkaasi.

 

Gudoomiyaha degmada kismaayo ahna duqa magaalada Ibraahim Maxamed Yuusuf {timajilic} oo agabka la wareegay ayaa goobta ka hadlay.
Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Jubbaland Dr Cali Nuur Axmed ayaa u mahadceliyey shaqada aysu xilsaartay wasaarada arimaha gudaha.

 

 
Qalabkan ayaa waxaa la gaadhsiin doonaa goobaha ay bulshada u badan yihiin, iyadoona ay garab socoto wacyi galino ay sameenayaan shaqaalaha wasaarada caafimaadka Jubbaland.