
Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay Liiska Xildhibaanada labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas.
Guddiga Farsamada oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ku dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub oo ka kooban 90 Xildhibaan, kuwaasi oo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka.
Xildhibaannada aya sidoo kale waxaa ay isugu jiraan kuwo horay uga tirsanaa Baarlamaankii koobaad ee Hir-Shabeelle iyo kuwo ku cusub Siyaasadda, kuwaas kasoo dhex-muuqday liiska Xildhibaannada Cuusb.
Ku dhawaaqista liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli weli aan hehsiis buuxa laga gaarin muranka kajira dhanka awood qeybsiga Beelaha ee Madaxda sare ee Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle