Ciidanka Booliska Jubbaland oo sameeyey howlgal lagu aruuriyey gaadidka tagaasidda.

713

Ciidanka Booliska Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa sameeyay howlgal ka dhan ah tagaasida ka shaqeeya gudaha Magaalada Kismaayo.

 
howlgalkaan oo saacadii lasoo dhaafay Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen xaafadaha iyo wadooyinka Kismaayo ayaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad labba boqol oo gaadiidka dad weynaha gaar ahaan tagaasida islamarkaana lagu xareeyay qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose

.

Gaadiidkaan la soo qab qabtay ayaa la sheegay in aysan marin nidaamka ay maraan Gawaarida loogu talagalay in laga dhigo tagaasida taasina ay keentay in Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ay iska kaashadaan hawlgalkaan.
Gashaale warsame Axmed Geele taliyaha saldhiga Booliska Degmada kismaayo ayaa Jubbaland tv u sheegay in Tagaasida maalmahaan danbe ay amniga lid ku noqdeen.

 

“waxa suuqa so galay Baabuur Tagaasi ah ay leyihiin dad shaqsiyaal ah oo aan Wasaarada Gadiidka ka diiwaan gashneen” ayu yiri Taliye Warsame.

“qof walbo waxa uu tagay madbacad wuxu so daabacday warqad uu ku dhagsado taxiga sido kale beensal ayay so saarteen tarakadiina wey iska fureen halkaasna waxa kaso baxay wax amniga Lid ku Ah Ayuu.inta ku.daray Taliyaha Boliska Kismaayo.

Mudooyinkii danbe waxa Magaalada Kismaayo ku so badanayay Babuur yaryar oo taksi ah islamarkaana qiimo jaban ku qaadayo dad waynaha.