Beelo Uu Dhexmaray Dagaal Khasaaro Geystay Oo La Heshiisiiyay

801

Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wada-dega

Maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo kahor shaqooyin sababay dhimasho waxaa ay ku dhex-mareen deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhex-galay Ciidanka Xoogga dalka.

Odayaasha labada Beelood ayaa waxaa ay ku heshiiyeen in mudo bil ay lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kalena la ilaaliyo nabada oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka aanooyinla qabiil.

Saraakiisha ka socotay Ciidamada Booliska ee Dowlad goboleedyada Galmudug & Hir-shabeelle ayaa faray labada dhinac inay dhaqan geliyaan heshiiska ay gaareen si dadka ku nool degaannada lagu dagaalamay ay nabad ugu wada noolaadaan.

Tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laab laabtay colaad beeleedyada, kuwaas oo sababay in boqolaal qoys ay barakacaan.