Golaha Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda Soomaaliya Oo La Dhaariyay

714

Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Federaalka oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiyeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka hortooda ku dhaariyay dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.