
Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka DANAB ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu xubnahaas ku jiray Sarkaal la sheegay inuu Shabaab qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeellooyinka.
Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaateynta shacabka oo ay ugu horreyso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidku.
Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo argagixisada Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacagaha baadda, iyagoo sidoo kalena miinooyin maleeshiyadu ay ku aastay waddooyinka ka soo saaray