
Dab dhaliyay Khasaare baahsan ayaa ka kacay Degmada Wallen-weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro Khasaare hantiyadeed oo aad u farabadan.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dabku uu ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Degmada Wallen-weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dabkaasi uu qaatay muddo saacado ah, Kalinta shidaal ee dabku qabsaday ayaa gabi ahaanba gubatay, waxaana dabku uu ku faafay goobo ganacsi oo hor leh.
Dad ku sugan degmada Walanweyn ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Goobo Ganacsi oo hanta farabadan taallay uu dabka saameeyay,isla markaana muddo ka badan Afar Saacadood ay qaadatay in dabklaasi la demiyo maadaama degmada Walanweyn aysan laheyn Gaari dab demis ah.
Magaalooyin badan oo dalka kamid ah ayaa waxaa mararka qaar ka kaca dab geysta khasaaro hantiyadeed, iyada oo ay jiraan degmooyin badan oo aan laheyn Gawaarida dab demiska, taas oo keenta in hanta farabadan uu dabka baabi’iyo.