
Wasaaradda Cafimaadka Jubbaland oo kaashanaysa Hay’adda Cafimaadka Aduunka WHO iyo UNICEF ayaa Olole xoogan oo soconaya muddo Shan maalin ah ka bilowday magaalada Kismaayo.
Ololahaan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dadwaynaha magaalada Kismaayo loogu Wacyigalin-lahaa in caruurta laga talaalo xanuunka Jadeecada oo waalidiinta ay Caruurtooda u ogolaadaan kooxaha talaalka in ay ubadka gaadhsiiyaan talaalka Jadeecadda .
Xanuunka Jadeecadda ayaa bilihii aan soo dhaafnay ee Sideedaad iyo bishii Sagaalaad ee sanadkaan caruur badan ku soo riday magalooyinka Afmadow iyo Kismaayo balse waxaa xiligaas Adkaatay in Wasaaradda Cafimaadka Jubbaland iyo hay’adda cafimaadka ee WHO ay ku mashquulsanaayeen xakamaynta Xanuunka dunida afeeyey Coveid-19,taas oo keentay in ay Istaagaan ololayaashii Xanuunada Jadeecada iyo Boolyadda oo si joogta ah ay u bixin jirtay taageeradooda Hay’adda Cafimaadka Aduunka.
Wasaaradda Cafimaadka Jubbaland ayaa sheegtay in qorshaha uu yahay in la gaadho ilaa 60,000 Curuur ah oo ku nool magaalada Kismaayo iyo deegaanadda kale eek u dhow,kuwaas oo la siin doono talaalka Jadeecadda.
Talaalkaan Xanuunka Jadeecadda ayaa laga qabanayaa magaalada Kismaayo oo kaliya Soomaaliya oo dhan,taas oo loo sababeeyey in Kismaayo noqotay meeshii ugu Kiisas badnayd ee xanuunka laga warbixiyey.