
Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland oo Shacabka iyo Ganacsatada uga digtay in ay u nuglaadaan hanjabaadaha Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.
Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland Col Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa uga digay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland in ay u nuglaadaan hanjabaadaha Al-Shabaab ay doonayaan in ay ku cabsi galiyaan Shacabka iyo ganacsatada si ay lacago baad ah uga qaadaan.
Waxaa sheegay in ciddii Shabaab ay la soo xiriiraan una hogaansanta awaamiirtooda ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Taliyaha ayaa sheegay in haddii ay amarkooda qaataan ay suurogal tahay in ay howlgal kale-na ay u fuliyaan, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin Qatar weyn ay ka dhalan karto.
Wuxuu ugu baaqay cid walba oo ay Al Shabaab usoo hanjabto in ay la soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, lana damaanad qaadi doono ammaankooda.