
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saqdii dhexe ee xalay gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait, iyagoo lagu soo dhaweeyay halkaas.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.
Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay Maanta la kulmayaan Amiirka dalkaas iyo Madax kale, iyaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.