
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhow safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho tan iyo markii kalsoonida kala nodeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan yahay ayaa sheegay in Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti, iyagoo halkaas tegaya saacadaha soo socda, sida uu qoshahu yahay.
12-kii Bishii Setember e sanadkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Saddex sano iyo barkii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka,waxaa xukuumadiisa lagu eedeeynayay waxyaabo kala duwan halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin inay wax badan qabatay.