Puntland oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Coronavirus ah

613

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay dad farabadan oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala sugan deegaano ka tirsan dalka.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 2,704 qof, isla markaana laga helay 157 qof oo kamid dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Tirada dadka ugu badan ee laga diiwaan-geliyay Cudurka maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku sugan deegaanada Puntland, waxaana halkaas laga diiwaan-geliyay 157 qof uu ku dhacay COVID-19.

Dadka Cudurka lag helay ayaa waxaa ay kala nool yihiin, Puntland 134 Ruux, Soomaaliland 20 qof, Galmudug 1 qof halka laba Ruux kaliya ay ku sugan yihiin Gudaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala yihiin 98 rag ah iyo 59 Dumar ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 64 qof mana jirin wax dhimasho ah oo Soomaaliya ka dhashay Cudurka Coronavirus Todobaadyadii la soo dhaafay,waxaana tirade Guud ee dadka Soomaaliya laga helay COVID-19 ay gaartay 3,745