MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO KISMAAYO DIB UGU SOO LAABTAY.

721

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow oo galabta ah dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib Safar shaqo oo la xiriira hirgalinta hanaanka Doorashada dalka oo uu mudo bil ah u joogay Magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.