Dad Shacab Ah Oo Fariin Qeylo Dhaan Ah U Diray Maamulka Galmudug

696

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo saakay ka dhacay kaalin lagu iibyo shidaalka oo ku taalla bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed.

Dabka oo marka hore ka bilowday kaalinta shidaal ayaa kusii faafay goobo Ganacsi ah oo ku dheganaa kaalinta, waxaana dabkaas uu ahaa mid xoogan oo socday muddo dhowr saacadood ah, wallow markii dambe la demiyay.

Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb  & Maamulka Magaalada ayaa dadaal farabadan oo ay sameeyeen kadib waxaa ay ku guuleysteen in dabkaasi la demiyo.

Qaar kamid ah Ganacsastada leh goobaha Ganacsiga ee uu dabka saameeyay ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn hal gaari oo dab demis ah, isla markaana ay tahay arrintaasi nadiib darro.

Waxaa ay sheegeen in dabkii Maanta ka kacay Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb uu sababay khasaaro hantiyadeed, hayeeshee ay dadaal badna ku bixiyeen sidii loo yareyn lahaa kuna guuleysteen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore uu sidaan oo kale dabka uga kacay,kaas oo geystay khasaaro hantiyadeed,waxaana caqabado koowaad ay Bulshada Magaalada ku sheegeen in Magaalada aysan laheyn Gawaarida dab demiska.